Table Of Content1
Xuquuqda
Haweenta Muslinka ah
Waxaa dhigay
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
Daaru Al Seerah
P. O. Box 200984
Boston, MA 02120
U.S.A.
2
Xuquuqda
Haweenta Muslinka ah
Waxaa dhigay
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
Daaru Al Seerah
P. O. Box 200984
Boston, MA 02120
U.S.A.
3
Tusmada Kitaabka
Mawduuca Bogga
1. Tusmada kitaabka 3
2. Araarta kitaabka 4
3. Ilaahay wuxuu Banii Aadanka ka abuuray hal nin iyo hal haweeney 8
5. Xuquuqday diinta islaamku haweenka u sugtay 13
6. Ragga iyo haweenku waa u siman yihiin waajibaadka diinta 15
7. Camal suuban oo isku mid ah wuxuu leeyahay ajar isku mid ah 16
8. Asmaa’u bintu Cunays Al Khatcamiyah Allaha raalli ka ahaadee 19
9. Ilmaha Jacfar bin Abii Dhaalib iyo Asmaa’u Allaha raalli ka wada ahaadee 20
10. Xaqqay haweenka muslinka ahi u leeyihiin wax barashada 25
11.Cilmiga Caa’ishah Calayhssalaamu 31
12. Ehelkiinna naarta ka dhawra 32
13. Xuquuqda dhaqaale ee haweenka muslinka ah 33
14. Nabi Muuse iyo Nabi Shucayb Calayhimussalaamu 36
15. Xaqqa dhaxalka ee haweenka muslinka ah 39
16. Xaqqa siyaasiga ah ee haweenka muslinka ah 41
17. Labbiska gabadha muslinka ah 43
18. Inta gabadha muslinka ah jirkeeda laga arki karo 46
19. Ma bannaana in abuurista Ilaahay wax laga beddelo 49
20. Barkadaha lagu dabaasho, Sauna, xeebta badda 51
21. Taabashada nin ajnabi ka ah ee jirka gabarta muslinka ah 53
22. La hadalka nin ajnabi ka ah gabadha muslinka ah 54
23. Xaqqa guurka ee gabadha muslinka ah 56
24. Xaqqay u leedahay in lagala tashado ninka soo doonay 58
25. Masaafaysi ama la bixid 61
26. Xaqqa masruufka, marashada iyo hoyga ee haweenta muslinka ah 61
27. Xaqqa furriinka ee gabadha muslinka ah 62
28. Xaqqa haynta caruurta yaryar furriin dabadiis ee haweenka muslinka ah 63
4
Araarta dhigaha kitaabka
ميحرلا نمحرلا الله مسب
نوركاذلا هركذ املك نيرهاطلا نيبيطلا هلآ ىلعو دمحم انلاومو انديس ىلع الله ىلصو ،لله ءانثلاو ،نيملاعلا بر لله دمحلا
اريثك اميلست ملسو نولفاغلا هركذ نع لفغو
Xaqqa iyo waajibaadka qof kastoo muslin ah lagu leeyahay waxay ku qeexan yihiin Quraanka
Kariimka ah iyo Sunnada udgoon ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam.
Xuquuqdaas waxaa ka mid ah xaqqa nolosha, xaqqa wax barashada, xaqqa milkinta maalka,
xaqqa shaqada, xaqqa xorriyada fikirka iyo aragtida, xaqqa doorashada iyo xuquuqda badan oo
kaleba.
Gabdhaha soomaaliyeed xuquuqdaas Ilaahay Tacaalaa\ىلاعت الله uu siiyay way lahaayeen, ayna
heleen intay jireenba, walina way leeyihiin.
Gabdhaha soomaaliyeed waa muslimaad fiican oo Ilaahay ka baqda, zinadana ka fogaada, oo
sharaftooda ayay ilaalsadaan, Ilaahayna ka baqaan.
Gabdhaha soomaaliyeed waa gabdho aad u fiican, diintoodana ku dheggan, xishooda oo
xumaanta ka fogaada iyo waxa lagu ceebeyn karaba, mahaddana Ilaahay ayaa iska leh.
Gabdhaha soomaaliyeed waa xaasas qiimo leh markay guursadaan iyo hooyooyin fiican oo
caruurtooda daneeya oo sida ugu fiican oo ay karaan ugu koriya.
Dawladaha sheegta inay krishtaan yihiin ee reer galbeedka ahi waxay aad ugu dadaaleen inay
gabdhaha soomaaliyeed oo dalalkooda usoo qaxay ama ku dhashayba inay qalloociyaan oo ka
dhigtaan hub ay haweenka soomaaliyeed oo idil, gaar ahaan kuwa Soomaaliya ku sugan, laab
kiciyaan oo ay ka dhaadhiciyaan inay xuquuqi ka maqan tahay oo ay doontaan, si ay qoysaska
soomaaliyeed u dumiyaan.
Waxaaba jira ururro reer galbeed ah oo shaqadooduba tahay inay gabdhahaas ku milmiyaan
bulshada gaalada ah oo ay la deggan yihiin. Tan iyo haddase way u suurtoobi wayday oo way ku
fashilmeen: gabdhaha soomaaliyeed diin iyo dhaqan ayay leeyihiin, wayna caqli badan yihiin oo
waxa wanaagsan iyo waxa xun way kala yaqaanaan, wayna isla han weyn yihiin oo qiimohooda
korreeya ay ogyihiin oo ay wax usku falayaan.
Gabdhaha soomaaliyeed, intaas ka sokow, way qurux badan yihiin, oo ninkii arkaba wuu
jeclaanayaa.
Daraasaddaan gaaban oo labaatan qaybood ka kooban, ayaan xuquuqda gabdhaha in kooban ugu
sheegeynnaa, aanna kasoo qaadannay Quraanka Kariimka iyo Sunnada carfoon ee Nabi
Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.
5
Daraasadaan kuma saabsana axkaamta ka taalla qoyska iyo maamulkiisa iyo ninka iyo haweenta
iyo caruurtu xuquuqda ay isku leeyihiin, waxayna ku saabsan tahay xuquuqduu Ilaahay
Tacaalaa\ىلاعت الله haweenta muslinka ah siiyay oo uu u yeelay oo keli ah .
Waxaanse marka hore in yar ka sheegeynaa mawqifka ay diimaha iyo dalal kale ka qabaan
haweenka.
Dalkaan aan anigu hadda ku noolahay ee maraykanka, haweenku waxay xaq u yeesheen inay
doorashooyinka codkooda bixiyaan oo xaq siyasadeed ku yeesheen sideed iyo toban bisha
Agoosto kun sagaal boqol iyo labaatanka, waana zaman boqol sano ka yar laga joogo, marka
“19th Amendament” oo ah beddelaadda sagaal iyo tobnaad ee dastuurka maraykanka la saxiixay,
haweenkana la siiyay xaqqa loo yaqaanno “Woman Suffrage.”
Taariikhdaasu waxay ka dambaysa ku dhowaad kun iyo shan boqol oo sano markay haweenka
muslinku xaqqaas lahaayeen oo uu Ilaahay Tacaalaaىلاعت الله siiyay ayna leeyihiin ilaa maalinta
qiyaame ka kacayso, meeshuu haweenka maraykanka iyo kuwa yurub ay xaqqaas siiyeen ragga
dalalkoodu, oo xaqqay doonaanna siinayaaan kayan rabin u diidayaan.
Dalka Switzerland ilaa hadda aan joogno, waxaa jira gobollo ayan haweenku xaqqa codaynta
lahayn. Bal arag wuxuu bogga (www.swissworld.org) arrinkaas ka dhigay isagoo taariikhda
qadiyada haweenka xaqqa codbixinta ka warbixnaya:
“Votes for women? What a ridiculous idea! Their brains are smaller than men’s, which proves
they are less intellingent. They are prone to extremism, and would go out to campaign without
asking their husbands’ permission. And it wouldn’t promote equality because their natural
modesty would stop them going out to vote when pregnant, and since rural women have more
babies than those in towns, this would give an unfair adavantage to the latter. And if women were
actually elected, what a source of humiliation for their husband! They would be forced to do the
cooking.”
“Never mind that both chambers of the Swiss parliament gave the green light to women’s
suffrage in 1958 – more than 50 years after Europe’s pioneer, Finland.
When put to the people – to half the people, that is – in 1959, as required by the Swiss
constitution, two thirds of them turned down parliament’s reccomandation down.”
“On February 7th 1971 Swiss males, by a two thirds majority, finally gave their female
compatriots their full federal voting rights.”
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
“Haweeni ha codeeyaan baa? Taasu waa fikrad lagu qoslo! Maskaxdoodu waa ka yartahay
maskaxda ragga, taasoo caddaynaysaa inay ka caqli yar yihiin. Haweenku waxay u janjeeraan
inay ku kacaan falal tadharruf iyo xad gudub ah iyo xag jirnimo, waxayna ololaha doorashada
gelayaan ayagoo aan haysan oggolaanshaha raggooda oo ka idan qaadan. Haddii xaqqaas la
siiyana taasu sinnaan ma ahanayso, maxaa yeelay xishoodkooda ayaa ka hor istaagaya inay
guryohooda ka baxaan si ay codkooda usoo bixiyaan markay uur leeyihiin. Tan kale, ayadoo ay
haweenka miyigu ka caruur badan yihiin kuwa magaalooyinka, waxay u dan tahay kuwa
magaalooyinka deggan.
Hadayba dhaco in haweeney la doorto, maxaa dulli ugu sugan raggooda, kuwaanoo ku
khasbanaanaya inay ayagu cunnada kariyaan.”
“Si kastaba ha ahaatee labada aqal ee baarlamaanka Switzerland wuxuu oggolaaday kun sagaal
boqol sideed iyo konton inay haweenku codkooda bixin karaaan. Waxayna sidaas uga
6
dambeeyeen in ka badan konton sano dalka ugu horreeyey yurub oo haweenka siiyay xaqqa cod
bixinta oo ahaa Finland. (Taas macneheedu waxaa weeye inay haweenka yurub waa dhow heleen
xaqqa siyaasiga ah ee cod bixinta, ayna
ugu horreeyeen haweenka Finland).
Marka go’aankaas baarlamaanka Switzerland afti guud loo qaaday, siduu dastuurku leeyahay,
laba dalool (ahana qiyaas 66%) oo raggu way diideen qaanuunkaas, oo noqday wax kama jiraan.
Waxaana xaq u lahaa inay aftidaas codeeyaan shacbiga nuskiis oo ahaa ragga oo keli ah!
Markay taariikhdu ahayd toddobada bisha Febraayo kun sagaal boqol kow iyo toddobaatanka
ayay ragga dalkaasu markii afti loo qaaday ay laba dalool (oo ah 66.% qiyaas) oggolaadeen ina
haweenka dalkaas xaqqa cod bixinta la siiyo.”
Sidaasoo ay tahay, ayadoo uu dalkaasu yahay federaali iyo qawmiyado kala duwan, waxaa ilaa
maanta jira iyo marka aniga iigu dambaysay gobollo ayan haweenku codkooda bixin karin.
(www.swissworld.org) iyo warkaan waxaa iska leh Federal Department of Foreign Affaires,
ahna Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Switzerland.
Dalka maraykanka ninka iyo haweenta isku shaqo qabta oo shaqo buuxda ah oo sanadkoo idil
socota isku lacag ma qaataan oo ninkaa lacag badan. Bogga (www.wikipedia.org) wuxuu yiri:
“Gender pay gap in the United States. In the United States, the gender pay gap is measured as the
the ratio of female median yearly earnings among full-time, year-round (FTYR) workers. The
female-to-male earnings ratio was 0.77% in 2099, meaning that, in 2009, female FTYR workers
earned 77% as much as male FTYR workers. Women’s median yearly earnings relative to men’s
rose rapidly from 1980 to 1990 (from 60.2% to 71.6%), and less rapidly from 1990 to 2000 (from
71.6% to 73.7%) and from 2000 to 2009 (from 73.7% to 77.9%) (source: U.S. Census Bureau.
Income, Poverty, and Health Insurance Coverage in the United States 2009 iyo “Institute for
Women’s Policy Reasearch. The Gender Wage Gap: 2009.).
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
“Farqiga u dhexeeya mushaarka ragga iyo haweenka ee United States. Farqiga u dhexeeya
mushaarka ragga iyo haweenka ee United States waxaa lagu cabiraa dakhliga sanadkii soo gala
qof haya shaqo waqti buuxa ah (waana sideed saac maalintiiba shanta maalmood oo la shaqeeyo)
(FTYR). Sanadka 2009 meeshuu ninku hal dollar ka qaato gabadhu waxay ka qaadatay 077%
centi ama dhururuq taasoo macneheedu yahay wiil iyo gabar isku shaqo haya wuxuu wiilku
gabadha dheer yahay qiyaas rubuc mushaar. Farqigaas intaas waa ka badnaan jray oo sanadka
1880 ilaa 1990 haweentu waxay qaadan jirtay 60.2% ilaa 71.6%, taasoo ku dhow nuska intuu
ninka ay isku shaqada qabtaan qaato. Sanadaha 1990 ilaa 2000 farqigaasu wuu yaraaday oo
wuxuu noqday 73.7% ilaa 77.9%.”
Tirakoobkaanna waxaa bixisay dawladda maraykanka xafiiskeeda tira kobka: U.S. Census
Bureau. Income, Poverty, and Health Insurance Coverage in the United States 2009 iyo “Institute
for Women’s Policy Reasearch. The Gender Wage Gap: 2009.).
In mushaarka ragga iyo dumarka la simo waxaa diidan oo markuu madaxweynaha maraykanku u
geeyaba diida baarlamaanka maraykanka, kan xubnihiisoo ugu badan kuwa haweenka muslinka
dib u dhac iyo xuqquq darro ku sheega!!!
7
Dawladda Soomaaliya shaqaaleheeda isku shaqo qabta oo isku darajo ah waa isku mushaar, wax
farqi ahna kuma jiro iyo wax gabadha gooni u soocaya oo xaqqeda ka qaadaya.
Encyclopaedia Britannica – Micropaedia mujalladka laba iyo tobnaad bogga toddoba boqol
saddex iyo soddon wuxuu wariyay inay haweenka ingiriisku xaqqa codaynta heleen 1918 iyo
1928, haweenka Fransa 1944, haweenka jarmanka 1919, haweenka talyaaniga 1945, haweenka
Sweden 1919, haweenka Australia 1902, haweenka Shiinaha 1947, haweenka Norway 1913,
haweenka Kanada 1918, haweenka Soviet Russia 1917.
Dhammaantood waxay dawladda islaamka ka dambeeyeen ku dhowaad kun iyo shan boqol sano.
Ugu dambaystii gabdhuha wuxuu Ilaahay siiyay oo ay xaq u leeyihiin, oo ragga muslimka ahi
siiyaa, ixtiraam iyo xushmayn wayn. Xeer soomaaligu waa adkeeyay ciqaabta ninka haweeney
ka boohiya: Kitaabka la yiraahdo “Xeerkii Soomaalidii Hore” waxaa dhigay Axmad Sheekh Cali
Axmad (Buraale), waxaana daabacday “Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare – Akadeemiyaha
Dhaqanka” ee Soomaaliya sanadka kun sagaal boqol toddoba iyo toddobaatan Miilaadiga,
waxaana lagu daabacay Muqdisho. Buraale wuxuu bogga toddoba iyo sodoon ku yiri:
“Dumarka oo laga oohiyo ama loo gaysto wax aan kufsad ahayn wuxuu ahaan jiray mid ku dhow
kufsashada, waxaana la bixin jiray ama uu bixin jiray ninka geystay waxaas xaal iyo xoolo kale
oo qiimohoodu aysan ka yarayn neef geel ah…”
Gabdhuhu waa quraarad, siduu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam ku sifeeyey oo waa in la dhawraa, la xushmeeyaa lagaa farxiyaa, loona turo, aanna la
jebin.
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM, Columbus, Ohio, USA.
Woonsocket, Rhode Island, USA, Bisha Ramadaan 25,1422/Decembar 10, 2001
Waxaan kitaabkayga afka ingiriiska ku dhigan “The Muslim Woman” ka tarjumay oo aan dib ugu
noqday, kanoo soo jeestay:
Jimce labada bisha Thuu Al Xijjah\ةجحلاوذ sanadka hijriga ee kun afar boqol shan iyo soddon, una
dhiganta lix iyo labaatanka bisha Sebtembar laba kun afar iyo toban miilaadiga.
8
ميحرلا نمحرلا الله مسب
نوركاذلا هركذ املك نيرهاطلا نيبيطلا هلآ ىلعو دمحم انلاومو انديس ىلع الله ىلصو ،لله ءانثلاو ،نيملاعلا بر لله دمحلا
اريثك اميلست ملسو نولفاغلا هركذ نع لفغو
- Kow -
Ilaahay Tacaalaa wuxuu Banii Aadanku wuxuu ka wada abuuray hal lab iyo hal dheddig
Dadkoo idil waxaa wada dhalay Aadan\مدآ iyo Xaawo\ءاوح, oo axad meel kale kasoo farcamay
ma jiro, kaddibna waxay kasoo wada farcameen saddexda wiil ee Nabi Nuux Calayhissalaamu
oo kala ah Sam\ماس iyo Xaam\ماح iyo Yaafith\ثفاي. Carabta ay soomaalidu ka mid tahayna waxaa
dhalay oo ay ku abtirsadaan Saam bin Nuux\حون نب ماس.
Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa\ىلاعتو هناحبس الله wuxuu Aayadda saddex iyo tobnaad ee
Suuratu Al Xujuraat\تارجحلا ةروس ku yiri:
ََِّللا نَِّإ مْكُاَقْتَأ َِِّللا ََنِِْ مْكُمَرَ كَْأ نَِّإ اوُفرَاعََتِل لَِئابََقوَ ابًوعُشُ مْكُانَلْعَجَوَ ىَثنُْأوَ رٍكَذَ نْمِ مْكُانَقَْلخَ انَِّإ سُ اَّنلا اَهيَُّأ ايَ}
{)31( ريِبخ ميِلِ
ٌ َ ٌ َ
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
“Dadow, waxaan idinka abuurnay hal lab iyo hal dheddig, kaddibna waxaan idinka yeelnay shucuub iyo
qabaa’il si aad isku garataan, Ilaahay agtiisana waxaa idiinku karaama badan kiinna idiinku dhawrsi
badan, Ilaahayna waa Midka wax walba ugu cilmi badan uguna aqoon iyo khibro badan.”
Marka ragga iyo dumarku waa walaalo isku hooyo iyo isku aabe wada ah, oo ah Aadan\مدآ iyo Xaawo
ءاوح, oo sidaasay ku siman yihiin Ilaahay hortiisa iyo shareecada islaamkaba, oo ayan u kala laan
dheerasanayn.
ىلاعتو هناحبس الله
Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa wuxuu Aayadda boqol sagaal iyo sideetan ee
Suuratu Al Acraaf\فارعلأا ةروس ku yiri:
{)981(اَه يَْلِإ نَكُسْ يَِل اَهجَوْزَ اَهنْمِ لَعَجَوَ ةٍََحِ اوَ سٍ فْنَ نْمِ مْكَُقَلخَ يذَِّلا وَهُ }
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
“Ilaahay waa Midka idinka abuuray hal naf oo keli ah, ahna Nabi Aadan Calayhissalaamu, ayadana kasii
abuuray haweentiisa, si uu ugu xasilo, uuna weheshado(189).”
ىلاعتو هناحبس الله
" Ilaahay Subxaanau wa Tacaalaa wuxuu kaloo Aayadda kow iyo labaatanaad ee
Suuratu Al Ruum\مورلا ةروس ku yiri:
9
مٍوَْقِل ٍٍ ايََََ ََ ِلذَ فِ نَِّإ ًة مَحْرَوَ ًةََّوَمَ مْكُنَيْبَ لَعَجَوَ اَهيَْلِإ اونُكُسْ َتِل اجً اوَزَْأ مْكُسُِفنَْأ نْمِ مْكَُل قَ َلخَ نَْأ ِِِتايَآَ نْمِوَ}
{)19( نَورُ كََّفَتيَ
Aayadda macneheedu waxaa weeye;
“Ilaahay Aayatkiisa waxaa ka mid ah inuu adinka idiin abuuray oo naftiinna ka abuuray – waana nafta
Nabi Aadan Calayhissalaamu – haween si aad ugu xasishaan, wuxuuna dhexdiina yeelay jecayl iyo
naxariis aad isku naxariisataan: taasna waxaa ugu sugan ragga caqliga leh oo fakaraya Aayaad iyo
calaamado loo jeedo.”(21)
Taas ayaana u sabab ah in markuu nin haweeney taabto uu ku raaxaysanayo oo ku macaansanayo, maxaa
yeelay waa la isku abuuray, uuna diidayo oo ka xanuiunsanayo taabashada nin kale.
Ilaahay Cazza wa Jalla\لجوزع الله wuxuu kaloo Aayadda laba iyo toddobaatanaad ee Suuratu Al Naxli
\لحنلا ةروس ku yiri:
نَوُنمِؤْ ُي لِطِ ابَلْاِبَفَأ ٍِ ابَيَِّّطلا نَمِ مْكَُقزَرَوَ ًةَََفحَوَ نَيِنبَ مْكُجِ اوَزَْأ نْمِ مْكَُل لَعَجَوَ اجً اوَزَْأ مْكُسُِفنَْأ نْمِ مْكَُل لَعَجَ َُِّللاوَ}
{)21( نَورُُفكْيَ مْهُ َِِّللا ةِمَعِْنِبوَ
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
“Ilaahayna wuxuu nafakiina idiinka yeelay haween, wuxuu haweenkiinna idiinka yeelay caruur
iyo kuwo aad awoowayaal u tihiin, wuxuuna idinku rizqiyay wax xalaal ah: marka ma waxaad
rumaynaysaan waxa baadilka iyo beenta ah oo nicmaduu Ilaahay idin siiyay ku
gaaloobaysaan?”(72)
Daarta Fatwada ee Boqortooyada Haashimiga ah ee Urdun waxa soo saartay
\ةيندرلأا ةيمشاهلا ةكلمملا
fatwada soo socota:
Abuu Daauud\دوادوبأ wuxuu Caa’isha\ةشئاع Allaha raalli ka ahaadee ka wariyay inay tiri:
:لاق املاتحا ركذي لاو للبلا دجي لجرلا نع ملسو هيلع للها ىلص للها لوسر لئس"
".لستغي"
:لاق للبلا دجي لاو ملتحا دق هنأ ىري لجرلا نعو
".هيلع لسغ لا"
:ميلس مأ تلاقف
"؟لسغ اهيلعأ كلذ يرت ةرأملا"
:لاق
".لاجرلا قشاقش ءاسنلا امنإ معن"
10
مدآ نم تقلخ ءاوح نلأو :ريثلاا نبإ :لاجرلا نم نققش نهنأكف ،عئابطلاو قلخلا يف مهلاثمأو مهرئاظن يأ :قئاقشلا ىنعم
مونلا دعب للبلا ةيؤرب ةرأملا ىلع لسغلا بجيف ينعي ،هبسن نم هبسن قش هنلأ ؛هملأو هيبلأ هوخأ لجرلا قيقشو ملاسلا هيلع
.لجرلاك
يتلا للها ةرطف بسحب ةعزومف تابجاولاو قوقحلا امأ ،ةيناسنلإا ةمراكلا يف لاجرلا عم تايوتسم نهنأ اعبت اذه نم مهفيو
62
) \مقر ىوتف \ ةماعلا ةايحلا ىواتف( ناميلس حون خيشلا يواتف ".نوكلا ةرامع متتل اهيلع ءاسنلاو لاجرلا نم لاك رطف
(www.aliftaa.jo)
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ayaa waxaa la waydiiyay
waxa laga doonayo inuu falo markuu ninku markuu hurdada kasoo kaco maradiisa qoyaan ku
arko, wuxuuna yiri:
“Wuu qubaysanayaa.”
Waxaa la yiri:
“Hadduu ninku haweentiisa ku riyoodo uusense markuu soo kaco uusan maradiisa qoyaan ku
arag?”
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
“Qubaysi laguma laha oo korkiisa ma aha.”
Markaasay Ummu Sulaym\ميلس مأ waxay tiri:
“Hadday haweentu taasoo kale ku riyooto ayna qoyaan isku aragto ma qubays ayaa waajib ku
ah?”
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
“Haa, oo haweenku waa walaalaha ay isku aabe iyo isku hooyo yihiin ragga.”
Muftiga Boqortooyada Haashimiyada ee Urdun wuxuu yiri:
\ةيندرلأا ةيمشاهلا ةكلمملا
“Al Shaqaa’iq\قئاقشلا macneheedu waxaa weeye: ayagoo kale, way u dhigmaan xagga abuurista
iyo xagga dabeecadaba, oo waaba sida ayadoo haweenta ninka laga gooyay oo laga jeexay (oo
shaqqa\قش waxaa weeye waa gooyay, waa jeexay). Ibnu Al Athiir\ريثلأا نبإ wuxuu yiri:
“Maxaa yeelay Xaawo\ءاوح waxaa laga abuuray Aadan Calayhissalaamu, ninka shaqiiqiisuna
waa walalkiis ay isku aabe iyo isku hooyo yihiin, waxaana sidaas loo yiri isagoo nasabkiisa laga
soo gooyay, sidaas daraadeed haweentana waajib ayay ku tahay inay qubaysato markay qoyaan
isku aragto markay hurdada kasoo kacdo, sida ninka loogu leeyahay oo kale.
Waxaa intaas laga garanayaa oo ka dhalanaysa inay haweenku xagga karaamada dadnimada ay
ragga la siman yihiin. Xagga xuquuqda iyo waajibaadkase, waxaa loo qaybiyay si fitrada Ilaahay
waafaqsan oo labadoodaba ragga iyo haweenkaba waxay ku taagan yihiin oo lagu abuuray, si
adduunkaan loo cammiro.”
Fatwadaan waxaa bixiyay Al Shaykh Nuux Sulaymaan\ناميلس حون خيشلا, tirsigeeduna waa lix iyo
labaatan iyo fatwada guud\ةماعلا ةايحلا ىواتف. Cinwaankiisuna waa (www.alifta.jo)
Description:Waxaanse marka hore in yar ka sheegeynaa mawqifka ay diimaha iyo dalal .. "يا رسول هللا ذكر هللا الرجال في القرآن ولم يذكر النساء بخير، فما فينا.